CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Madaxweynaha Soomaaliya oo amar adag ka soo saaray Xaaladda Gobolka Gedo
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray shacabkii ku geeriyooday dagaalladii dhawaan ka dhacay Gedo, isagoo Alle uga baryay inta dhaawacantay inuu degdeg u bogsiiyo.
Madaxweynaha Soomaaliya oo amar adag ka soo saaray Xaaladda Gobolka Gedo
Madaxweynaha Soomaaliya oo amar adag ka soo saaray Xaaladda Gobolka Gedo / Others
13 Agoosto 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga hadlay xiisadaha ka jira gobolka Gedo, isagoo si gaar ah amar ugu bixiyay in ciidamada dowladda ee la sheegay inay ka tallaabeen xadka ay la wadaagaan dalka deriska ah ee Kenya ay dib ugu soo laabtaan gudaha dalka.

Tallaabadan ayaa lagu macneeyay mid looga golleeyahay in lagu xakameeyo xiisadaha sii kordhaya ee gobolkaas.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray shacabkii ku geeriyooday dagaalladii dhawaan ka dhacay Gedo, isagoo Alle uga baryay inta dhaawacantay inuu degdeg u bogsiiyo.

Si looga jawaabo baahida bini'aadannimo ee ka dhalatay iska horimaadyada, Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u faray Xukuumadda Federaalka in ay si degdeg ah gargaar caafimaad iyo mid bini'aadannimo gaarsiiso dadka ay xaaladdu saameysay, gaar ahaan kuwa ku barakacay deegaannadooda.

Amarka madaxweynaha ee ku saabsan ciidamada ayaa aad muhiim u ah, maadaama uu xuduudka Soomaaliya iyo Kenya yahay mid xasaasi ah, islamarkaana xiisado ka dhasha ay saameyn ku yeelan karaan cilaaqaadka labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu si cad u xaqiijiyay in ciidamada dib u soo laabta aanay la kulmi doonin wax ciqaab ah, taas oo looga dan leeyahay in lagu qanciyo ciidamada in ay fuliyaan amarka madaxweynaha.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku haya siyaasadda gobolka Gedo in ay si degdeg ah uga shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si looga fogaado dagaallo iyo khasaare kale oo intan ka sii badan.

Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us