Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah safaarad uga furatay dalka Morocco, ka dib xiriir diblomaasiyadeed oo 60 sano jirsaday oo kala dhexeeyay boqortooyada Waqooyiga Afrika.
Munaasabadda xarig-jarka oo ka dhacday caasimadda Rabat ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Morocco, Nasser Bourita, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Musalia Mudavadi.
Bayaan wadajir ay usoo saareen labada dal ayaa lagu sheegay inay qorsheynayaan inay sameyaan iskaashi dhinacyo badan oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin tamarta la cusboonaysiin karo, dalxiiska, kalluumeysiga, amniga, iyo arrimaha dhaqanka iyo diinta.
Kenya ayaa dooneysa inay kordhiso dhoofinta shaaha, qaxwaha iyo khudaarta ay u dirto Morocco, si ay u dheelitirto ganacsiga labada dhinac. Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Musalia Mudavadi, ayaa bartiisa X ku sheegay in safaaradda cusub ay sare u qaadi doonto xiriirka laba geesoodka ah, una adeegi doonto danaha istiraatiijiga ah ee Kenya ee Waqooyiga Afrika.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Kenya ay taageertay hindise Morocco waddey oo u oggolaanaya dalalka aan badda lahayn ee Saaxilka Afrika inay helaan marin ganacsi caalami ah oo loo maro dekedaha ku yaal badda Atlaantigga ee Morocco.
Iskaashigan cusub ayaa loo arkaa mid xoojinaya xiriirka labada dowladood, korna u qaadaya doorkooda gobolka iyo kan Afrika guud ahaan.