MURAT SOFUOGLU
Ka dib weerarkii 7-dii Oktoobar, hoggaamiyeyaasha reer Galbeedka sida Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa si degdeg ah u cambaareeyay Xamaas, iyagoo mararka qaar barbar dhigay kooxda argagixisada ee Daacish.
Laakiin, 1940-meeyadii, ka hor intii aysan kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta ee Xamaas hubka qaadin si ay ula dagaallamaan gumeysiga Israa’iil, kooxo badan oo maleeshiyaad Yuhuud ah ayaa qarxinayay oo tooganayey saraakiisha Ingiriiska iyo Carabta Falastiiniyiinta.
Kooxaha Yuhuudda ee ay ku jiraan Haganah, Irgun, iyo kooxda Stern Gang (Lehi) ayaa si firfircoon falal argagixiso ugu geysanayay maamulka Ingiriiska ee Falastiin, iyagoo ujeeddadoodu ahayd inay cabsi geliyaan muwaadiniinta Carabta.
"Waxaan ku doodayaa in argagixisanimada Yuhuudda ee 1940-meeyadii ay xeelad ahaan iyo istaraatiijiyad ahaanba ay muhiim u ahayd. Marka la eego heerka tabaha, argagixisada Yuhuuda waxay awoodeen inay fashiliyaan ciidamada ammaanka Ingiriiska oo ay meesha ka saaraan awooddooda ay ku xakameynayaan Falastiin," ayuu qoray David A. Charters, oo ah borofisar taariikhda milatari ka dhiga Jaamacadda New Brunswick ee Kanada.
"Taasi waxay door muhiim ah ka ciyaartay heerka istaraatiijiyadeed ee ku qancinta Ingiriiska inay ka baxdo Falastiin, taasoo abuurtey xaalad sahashay aasaaskii Israa’iil iyo qaxii Falastiiniyiinta Carabta,” ayuu ku yiri maqaalkiisa Jewish Terrorism and the Modern Middle East. .
John Lois Peeke, oo ah khabiir milatari oo Maraykan ah, ayaa sidoo kale qoray in argagixisada Sahyuuniga ay ahayd saldhigga fikradda abuurista Israa’iil. “Argagixisada Yuhuudda ee ka dhanka ah Ingiriiska iyo Carabta waxay door weyn ka qaadatay ka bixitaankii Ingiriiska ee Falastiin, ka tanaasulkii qandaraaskii Ururka Qarammada iyo abuuristii dowlad Yuhuud ah oo Israa’iil ah,” ayuu ku sheegay buuggiisa Jewish-Zionist Terrorism and the Establishment of Israel.
Kooxaha argagixisada Sahyuuniga kaliya ma weerari bartilmaameedyada milatari balse sidoo kale shacab rayid ah ayey weerari jireen intii lagu jiray 1940-meeyadii.
Bishii Oktoobar 1945, kooxaha Yuhuuda ee dhulka hoostiisa ayaa isku mar bartilmaameedsaday jidadka tareenada ee gumeysiga, warshadaha saliida iyo doonyaha booliiska ee Falastiin. Taasi waxay bilow u ahayd laba sano oo ay Yahuuddu ku jirtay kacdoonka ka dhanka ah Ingiriiska iyo Falastiiniyiinta.
Bishii Luulyo 1946, kooxda Irgun ayaa qarxisay Hoteelka King David ee ku yaalla Quddushalkaasoo ay ku taalay xarunta maamulka Ingiriiska, waxaana ku dhintay 92 qof.
“[Robert] Asprey, [Menachem] Begin iyo [Samuel] Katz waxay tilmaameen in King David Hotel loo qarxiyay laba sababood oo kala ah: in lagaga aarguto weerarkii Ingiriiska ee hay’adda Jewish Agency iyo in la burburiyo dukumentiyo sir ah oo muujin lahaa xiriirka u dhaxeeya Jewish Agency iyo [David] Ben-Gurion oo ku lug leh argagixisada Haganah,” ayuu qoray Peeke.
Haganah waxay ahayd garabka hubeysan ee Jewish Agency for Palestine, taasoo ahayd waaxda hawlgalka ee World Zionist Organization oo uu aasaasay Theodor Herzl, oo loo yaqaan aabbaha Sahyuuniyadda, intii lagu jiray shirkii ugu horreeyay ee Sahyuuniga ee 1897 ka dhacay Basel, Switzerland.
Jewish Agency for Palestine, ayaa magaca bedelatay 1948 oo noqotay Jewish Agency for Israel, waxay ujeeddadeedu ahayd dhiirrigelinta, hubinta iyo hirgelinta qaxootiga Yuhuudda ee u soo guuraya Israa’iil.
Ben Gurion wuxuu madax ka ahaa hay’adda Jewish Agency laga soo bilaabo 1935 ilaa aasaaska dowlad Israa’iil 1948, isagoo door muhiim ah ka ciyaaray hawlaha Haganah. Kadib, Gurion wuxuu noqday Ra’iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee Israa’iil.
Ereyga Haganah macnihiisu waa “ciidanka difaaca,” taas oo ku dhiirrigelisay hoggaamiyeyaasha Sahyuuniga inay ugu magac daraan ciidamada qalabka sida ee Israa’iil Israeli Defence Forces (IDF) ka dib markii Israa’iil la aasaasay.
Hawlgalada qarsoodiga ah ee 1940-meeyadii, ayuu Peeke ku qoray: “Argagixisada Yuhuudda waxay isu beddeshay hawlgallo milatari, waxaana ururkii argagixisada uu noqday ciidanka difaaca Israa’iil.”
Nadiifinta Qowmiyadeed ee Sahyuuniga
9-kii Abriil 1948, dagaalyahannada Irgun iyo Lehi ayaa si wadajir ah u geystay xasuuqii Deir Yassin, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 107 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur. Deir Yassin waxay ahayd tuulo Falastiini ah oo ay ku noolaayeen qiyaastii 600 oo qof oo u dhow Quddus.
Rabshadaha ba’an ee kooxdii Irgun ku dishay Falastiiniyiinta rayidka ah ee Deir Yassin waxay ahayd mid loogu talagalay in cabsi iyo argagax loo geliyo Carabta Falastiiniyiinta. Ujeeddadu waxay ahayd in Falastiiniyiintu ay ka cararaan dhulkooda hooyo, sida uu sheegay Salah Khalaf, oo ka mid ahaa aasaasayaashii dhaqdhaqaaqa Fatax, wareysi uu siiyay suxufiga Faransiiska ah Eric Rouleau sanadkii 1979.
Fatax, oo ah urur iska caabin Falastiini ah, waa hormuud ka tirsan Ururka Xoreynta Falastiin (PLO) oo caalami ahaan loo aqoonsan yahay, kana taliya Daanta Galbeed ee la haysto. Inkastoo Fatax hadda loo aqoonsan yahay urur sharci ah, 1960-meeyadii, Mareykanka iyo Israa’iil ayaa ku tilmaamay inay tahay urur argagixiso, sida ay hadda ugu cambaareeyaan Xamaas. Xamaas ayaa ku guuleystay doorashadii ugu dambeysay ee Falastiin sanadkii 2006.
Khalaf, oo sidoo kale loo yaqaan Abu Iyad, wuxuu buuggiisa Palestinien sans patrie [Falastiin aan waddan lahayn] si faahfaahsan ugu sharxay sida xasuuqii Deir Yassin ay qoyskiisa uga qixiyeen guryahoodii Yafa una qaxeen Qaza, isagoo ka duulaya wareysiyo uu la yeeshay Rouleau.
Khalaf wuxuu sheegay in, si ka duwan warbixinaha rasmiga ah, in ka badan 250 Falastiiniyiin ah ay dileen kooxaha argagixisada Sahyuuniga intii lagu jiray weerarkii Abriil 1948, kuwaasoo jirkooda si daran u garaacay oo caloosha ka jeexay ilaa soddon haween uur leh.
Xasuuqii Deir Yassin wuxuu ahaa dhacdo muhiim ah oo ka mid ah ololihii tirtiridda qowmiyadeed ee Sahyuuniga ee ka dhanka ahaa Falastiiniyiinta, kuwaasoo tan iyo xilligaas dhibaatooyin kala kulmay. Xasuuqyadii kale ee Sahyuuniga ee ka dhacay magaalooyinka Falastiin sida Saliha iyo Lydda ayaa daba socday Deir Yassin, taasoo dhalisay qax weyn oo Falastiiniyiin ah, loona yaqaan Nakba.
Bilowgii 1948, Haganah waxay sii waday “hawlaheeda iyadoo si dhow ula shaqaynaysa ururrada gooni-u-goosadka ah sida Irgun ee Begin,” waxayna qaadeen weerarro joogto ah oo lagu nadiifinayo tuulooyinka Carabta ee ku yaallay dhulka ay Sahyuuniyiintu u arkayeen dhulkooda mustaqbalka ee Yuhuudda, ayuu sheegay Khalaf.
“Iyagoo ka baqaya xasuuqyo la mid ah kii Deir Yassin, boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah oo aan cidina u gurman, ayaa go’aansaday inay dalkooda ka tagaan si ay nabadgelyo u helaan,” ayuu yidhi.
Markii Falastiiniyiintu ay ka tageen dhulkooda, waxay filayeen inay si dhaqso ah ugu soo noqon doonaan iyagoo rajaynayay in dowladaha Carabta ay dhulkooda dib u soo ceshadaan. Laakiin taas ma dhicin.
Qaxootiga Yuhuudda oo ka yimid Yurub iyo meelo kale ayaa waxaa dib loogu dejiyay Falastiin, taasoo ay fududeeyeen hay’adda Jewish Agency iyo kooxaha hubeysan ee Sahyuuniga.
Bedelka dadkii Falastiiniyiinta ahaa ayaa sii socda ilaa maanta, iyadoo Israa’iil ay weli ka dhiseyso deegaanno sharci-darro ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.
Kooxdii Irgun, oo sanado badan uu hoggaaminayay Menachem Begin, waxaa urur argagixiso ku tilmaamay Qaramada Midoobay (UN), Mareykanka (US) iyo Ingiriiska (UK).
Inkasta oo ay jirtay cambaareyn xoog leh, Begin wuxuu aasaasay xisbiga midigta fog ee Israa’iil ee Herut. Sanadkii 1977, Begin wuxuu noqday Ra’iisul Wasaarihii lixaad ee Israa’iil. Herut ayaa markii dambe ku biiray xisbiga Likud ee uu hadda hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha haatan Benjamin Netanyahu.
Ka Tagistu Maaha Ikhtiyaar
Khalaf, oo noqday ku-xigeenka madaxa iyo madaxa sirdoonka ee PLO, iyo hoggaamiyaha labaad ee Fatax kadib Yasser Arafat, ayaa sheegay in Falastiiniyiintu aysan waligood ka tagin dhulkooda.
“Marka aan dib u milicsado, waxaan u maleynayaa in dadka aan isku dalka nahay(falastiiniyiintu) ay ku qaladanaayeen kalsoonida ay galiyeen dalalka Carabta oo ay uga tageen dhulkoodii oo bannaan inay Sahyuuniyiintu degaan. Waxay ahayd inay iska caabiyaan si kasta oo ay ku kacayso. Sahyuuniyiintu ma baabi’in karin qof walba oo Falastiini ah. Intaa waxaa dheer, in badan oo naga mid ah, qaxootinimada waxay kala xumeyd dhimashada,” ayuu yiri.
Iyadoo dadka Gaza ay hadda ku barakaceen gudaha waxa loo arko inay tahay Nakbadii labaad, waxaa laga yaabaa in digniinta Khalaf ay ku soo wajahan tahay hoggaanka Xamaas.
Dukumentiyo sir ah oo Israa’iil laga helay ayaa muujiyay in Tel Aviv ay qorsheyneyso qorshe kale oo qaxin ah oo Falastiiniyiinta looga saarayo Gaza, sida Nakbadii hore.
Ciidamada Israa’iil waxay bilowgii Oktoobar 2023 ku garaaceen Gaza duqeymo, gantaallo iyo weerarro madaafiic ah oo socday in ka badan hal bil, kuwaasoo ku dilay in ka badan 10,000 oo qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur, sidii ay u dhacday Deir Yassin iyo deegaanno kale oo Falastiin ah 1940-meeyadii.
XIGASHO: TRT WORLD