CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Danjire: 23 qof oo Soomaali ah oo ku dhintay shilkii doonta Lampedusa, 15 qofna la badbaadiyey
Doonyahan oo ay la socdeen tahriibayaal u badan Baakistaan, Suudaani iyo Soomaali, ayaa ka soo ambabaxay dalka Liibiya.
Danjire: 23 qof oo Soomaali ah oo ku dhintay shilkii doonta Lampedusa, 15 qofna la badbaadiyey
Shilkan oo ka dhashay labo doonyood oo ay cilad soo wajahday ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh. / Reuters
21 Agoosto 2025

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, Danjire Ibraahim Cumar Sheegow, ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in tiro badan oo tahriibayaal Soomaali ah ay ku dhinteen shil doon ka dhacay xeebaha jasiiradda Lampedusa. Shilkan oo ka dhashay labo doonyood oo ay cilad soo wajahday ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Danjire Sheegow, oo la hadlayay warbaahinta, ayaa sheegay in la xaqiijiyay dhimashada 23 qof, halka la badbaadiyay 15 qof oo kale. Wuxuu tilmaamay in dadaalka gurmadka ah uu wali socdo, iyadoo la baadi goobayo dad kale oo la la’yahay. Dadkaas la la’yahay ayaa la rumaysan yahay inay yihiin kuwo ka mid ahaa rakaabkii doonyahan saarnaa.

Doonyahan oo ay la socdeen tahriibayaal u badan Baakistaan, Suudaani iyo Soomaali, ayaa ka soo ambabaxay dalka Liibiya. Waxay ku dageen meel qiyaastii 15 KM dhanka koonfureed kaga beegan jasiiradda Lampedusa, taas oo ah meel ka dhow Afrika marka loo eego dhinaca Talyaaniga.

Danjiruhu wuxuu si adag u cambaareeyay dhibaatada tahriibka, wuxuuna fariin digniin ah u diray waalidiinta Soomaaliyeed, isagoo kula taliyay inay ka hor istaagaan in carruurtooda ay halis galiyaan naftooda. Wuxuu sidoo kale dhallinyarada ku booriyay in ay ka faa'iideystaan fursadaha dalka gudihiisa ah, kana faa’iideystaan qarashka badan ee uga baxa tahriibka.

Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa dhankeeda shaacisay in tan iyo bilowgii sanadkan, ay ku qaraqmeen badda ku dhawaad 370 muhaajiriin ah, halka 300 oo kale ay weli la la'yihiin.

Masiibadan ayaa ka mid ah kuwii ugu xumaa ee sanadihii dambe ka dhacay badda Mediterranean-ka, iyadoo 2015-kii ay ku geeriyoodeen in ka badan 700 oo qof.

Danjire Sheegow wuxuu ugu dambeyn ugu baaqay hay’adaha ammaanka ee Talyaaniga inay si adag ula dagaalamaan shabakadaha burcadda ah ee ku shaqada leh tahriibinta dadka.

XIGASHO:TRT SOMALI
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us