Esra Karataş Alpay
Isbaddelka weyn ee ku dhacay suuqa diyaarahada aan duuliyaha lahayn ee militariga, Turkigu wuu u jihaystay hormarinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, isagoo noqday dalalka ugu badan ee dhoofiya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (UAV) iyo kuwa hubaysan, sida lagu sheegay warbixin dhowaan kasoo baxday Xarunta Cusub ee Amniga Mareykanka(CNAS)
Kordhintaasi waxay meesha ka saartay kuwii hore u hogaamin jiray sida Maraykanka iyo Israa’iil, taas oo calaamad cusub u tahay faafitaanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Warbixinta CNAS oo lasoo saaray bilowgii bishaan, waxay muujinaysaa in tan iyo 2018-kii Turkiga, shiinaha, iyo Maraykanka ay wada sameeyeen 69 iib oo diyaaradaha hubaysan ah oo lagaga iibiyey 40 waddan oo kala duwan.
Turkiga keliya ayaa lahaa 65 boqolkiiba iibintaas, iyadoo Shiinaha uu bixiyay 26 boqolkiiba, halka Maraykanka uu lahaa 8 boqolkiiba oo keliya.
Diyaaradaha Turkiga ayaa noqday kuwa suuqa ugu horreeya sababtoo ah Ankara waxay xoogga saartay in la kobciyo warshadaha difaaceeda gudaha, sida ay sheegeen khubarada.
“Hormarinta casriga ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga waa natiijo ka dhalatay dadaalka dhanka waaxda difaaca dalka, taas oo ay uga jawaabaysay caqabadaha uga yimid technoloogiyada shisheeyaha, gaar ahaan xaaladihii adkaa ee ay xulafada sida Maraykanka iyo Israa’iil ugu soo rogeen xayiraado ama ugu diideen iibkooda” sida uu yiri Murat Aslan, oo ah borofaysar ku takhasusay cilmiga siyaasadda oo ka tirsan jaamacadda Hasan Kalyoncu.
Markii ugu horeysay ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn la sameeyay, waxay ahaayeen nidaamyo cusub oo inta badan loo isticmaalo basaasnimada, la socodka iyo taageerada rasaasta.
Si kastaba ha ahaatee, wakhti ka dib, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waxay isu rogeen aalado casri ah oo xambaari kara qalab kala duwan, taasoo si weyn u balaarisay doorkooda dagaalada casriga ah.
Ku saraynta Turkiga ee suuqa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee caalamka waxaa guulahaas ku hogaamiyey shirkadaha difaaca ee wadanka, sida Baykar, Roketsan, and Aselsan, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaaray horumarinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee militariga Turkiga.
Bayraktar TB2 oo uu sameeyay Baykar ayaa noqotay astaanta dalka Turkiga ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ayadoo guulo badan kasoo hoyisay dagaallo ay ka mid yihiin dagaalkii Karabakh ee u dhexeeyay Azerbaijan iyo Armenia
Intaas waxaa sii dheer, diyaardaha Akinci ee Baykar waa diyaarad hormarsan oo aan duuliye lahayn, taasoo sare u qaaday sumcadda Turkiga ee suuqa diyaaradaha casriga ah.
Ma aheyn marin sahlan
Si kasteba ha ahaatee, noqoshada Turkiga ee kaalinta koowaad ma ahayn mid sahlan, iyadoo waddanku wajahay caqabado ku saabsan helista qalabyada, taas oo lagu qasbanaaday inuu samaysto qalabkiisa.
Turkiga wuxuu la kulmay caqabado waaweyn marxaladaha hore ee horumarinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ayuu yiri Aslan.
“Sagaashamaadkii, markii Turkigu raadinayey inuu soo iibsado diyaardaha aan duuliyaha lahayn ee shisheeye sida Heron ee Israa’iil, waxaa jiray xanibaado dhowr ah oo ay kamid yihiin in hawlgalinta nidaamyada ay lahaayeen Israa’iil halkii ay howl wadeenada turkigu lahaan lahaa”
Ku tiirsanaanta iyo dib udhaca ku imaanaya helista xogta sirta ah ee laga helayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee shisheeye, ayaa ku qasbay Turkiga inuu bilaabo barnaamijkiisa wax soo saarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn," ayuu yiri.
Roketsan iyo Aselsan, oo ah shirkado muhiim ah oo ka tirsan waaxda difaaca ee Turkiga, waxay sidoo kale gacan ka geysteen koritaanka dalka.
Roketsan waxay ku takhasustay nidaamyada gantaalaha iyo isku xirka hubka ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, halka Aselsan ay diiradda saarto avionics-ka casriga ah, isgaarsiinta, iyo nidaamyada dagaalka elektarooniga ah oo kordhiya awoodda UAV-yada. Iyada oo ay weheliso Baykar, shirkadahan ayaa Turkiga ka dhigay hogaamiye soo saarka nidaamyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee teknolojiyadda sare leh ee loo isticmaalo milatariga.
Sanadkii 2022, markii ugu horreysay soo galeen suuqa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, lix waddan ayaa doortey inay iibsadaan Bayraktar TB2 ee Baykar, taasoo caddeysay awoodda Turkiga.
Akinci, oo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee jiilka cusub oo leh awood qaadid oo weyn iyo dareemayaal casri ah, ayaa sidoo kale helaysa daneeyayaal caalami ah, taasoo xoojinaysa saameynta sii kordheysa ee Turkiga ee tiknoolajiyadda milatariga.
Baahiyaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga waxaa markii hore dabooli jiray suuqyada shisheeye. Si kastaba ha ahaatee, kadib go'aan siyaasadeed oo ay dowladda Turkigu gaartay horraantii 2000-meeyadii, warshadaha difaaca ayaa qaaday tallaabooyin muhiim ah oo kor loogu qaadayo wax-soo-saarka gudaha," ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Baykar.
"Tani waxay suurtagelisay horumarinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee yaryar, diyaaradaha taatikooyinka, diyaaradaha weerarka, iyo nidaamyada raider-ka oo hadda u adeega Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga iyo laamaha sharciga."
Isku Filnaanta Gaarka ah
Talaabada muhiimka ah oo lagu soo saaray diyaaradaha Turkiga waxay ahayd dhisidda awood farsamada iyo wax soo saar gudaha.
“Turkigu wuxuu ka gudbay caqabadaha suuqyada dibada, isagoo gudihiisa ka sooraya qalabyadiisa kala duwan” ayuu yiri Aslan.
"In kasta oo ay wajahayeen cunaqabatayn qaybaha muhiimka ah, Turkigu waxay ku guuleysteen inay sameeyaan saameyn kordhin ah oo dhinaca wax-soo-saarka ah, gaar ahaan markii ay ogaadeen in ku tiirsanaanta nidaamyada shisheeye aanay sii dammaanad qaadi karin amniga qaranka."
Horumarinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn sida ANKA, oo leh naqshad gaar ah iyo awoodo, waxay calaamad weyn u noqotay warshadaha difaaca ee Turkiga, siday khubaradu sheegeen.
Tan iyo markii uu ka sare maray Shiinaha sanadkii 2021, dhoofinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga si weyn ayay kor ugu kacday. Baykar, oo dhoofisay 83 boqolkiiba wax soo saarkeedii tan iyo bilowgii 2000-meeyadii, waxay diiwaangelisay $1.8 bilyan dhoofinta sanadkii 2022.
Daraasadda CNAS waxay tilmaamaysaa in xilligii Maraykanka iyo Israa'iil ay ku xooganaayeen suuqa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu 'mar hore dhammaaday,' iyadoo hadda ay soo baxeen beddelo ka raqiisan ah oo ka yimid Turkiga, Shiinaha, iyo Iran."
Isbedelkan ayaa si weyn u kordhiyay is-dhaafsiga caalamiga ah ee diyaaradaha hubaysan ee aan duuliyaha lahayn, iyadoo Turkiga uu safka hore ka jiro.
Maaddaama Turkigu uu hadda yahay mid ka mid ah soo-saareyaasha ugu waa weyn diyaaradaha milatariga aan duuliyaha lahayn, oo ay hoggaamiyaan shirkadaha Baykar, Roketsan, iyo Aselsan, kobocoodu wuxuu ka tarjumayaa isbeddelada ballaaran ee awoodda milatariga caalamka.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee casriga ah oo kuwa qiimo jaban sida Bayraktar TB2 iyo Akinci ayaa dib u qaabaynaaya dagaallada casriga ah, iyagoo Turkiga ka dhigaya ciyaaryahan muhiim ah oo ku jira qaybta difaaca ee muhiimka ah."
Aslan oo ka tirsan Jaamacadda Hasan Kalyoncu wuxuu sheegayaa in soo saarista diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee hubaysan aysan ahayn oo kaliya modalkeeda laakiin la socdaan hubka iyo nidaamyada kontoroolka.
Rokestan waxay ciyaartay door muhima ayadoo soo saartay hub horumarsan, halka Aselsan ay siisay taageerada korontada iyo elecktarooniga, Havelsan oo ka qeyb qaadatay soo saarida software-da muhimka u ah.
"Shirkadahaan difaaca ee dowladda ayaa door hoggaamineed ka qaatay qaabeynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, balse haddii aan la helin wax-soo-saarka gudaha ee hubka, Turkigu wali wuxuu ku tiirsanaan lahaa suuqyada dibada."
XIGASHO: TRT World